Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Safiirka Indonesia

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sarreeye guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Indonesia u qaabilsan Soomaaliya Dr. Maxamad Hery Saripudin.

Kulanka Taliyaha iyo Danjiraha ayaa looga hadlay sidii loo ambaqaadi lahaa iskaashiga dhinaca amaanka ee labada dal gaar ahaan horumarinta Boliiska oo qeyb ka ahaa wadahadaladii u dambeeyey ee lagu xoojinayey xiriirka Soomaaliya iyo Indonesia.

Kulanka labada mas’uul ayaa ka dhacay xafiiska taliyaha booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho. Taliyaha ciidanka booliska ayaa maalmahan danbe ku howlanaa sidii uu u tayeeyn lahaa ciidamada booliska Soomaaliyeed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *