Hargeysa: Ergo nabadeed oo ka soo baxay degmada Badhan iyo degaannada hoosyimaada ayaa lagu soo dhaweeyay duleedka degmada Ceerigaabo, waxaana la sheegay in ay ka qeyb gali doonaan Shirka Nabadda Beelaha Gobolka Sanaag oo dhawaan ka furmi doona magaalada Ceerigaabo.
Ergadan oo ka kooban odayaasha dhaqanka gaar ahaan cuqaal, nabaddoon iyo waxgarad kale ayaa waxa duleedka Ceerigaabo ku soo dhaweeyay guddida Somaliland u qaabilsan qaban qaabada gogosha nabadda magaalada Ceerigaabo, taasi oo dib u heshiisin loogu samaynayo dhammaan beelaha deggan Gobolka Sanaag.
Soo dhaweynta waxa ka qeyb galay Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Cabdirashiid Magaalo iyo mas’uuliyiin kale ka tirsan maamulkaasi, kuwaasi oo sheegay in ergadan hordhac u yihiin ergooyim nabadeed oo ka imaanaya dhammaan beelaha kala duwan ee gobolka Sanaag.