Somaliya: Ciidamada Itoobiya oo Nabad Ilaalinta ka sii mid ahaan doona

Wararka ayaa sheegaya in dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ay u ogolaatay in ciidamada Itoobiya ka sii mid ahaan doonaan ciidamada nabad ilaalinta ee midowga Africa kuwaa oo bedeli doona kuwa hada jooga oo daad gureyntoodu ku egtahay bishan December 2024 ee ATMIS.

Wararku waxay sheegayaan in dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ay haatan bedeshay go’aankeedii hore eek u aadaana arimaha Itoobiya eek a mid noqoshada ciidamada nabad ilaalinta ee midowga Africa ee marka la soo gaabiyo magacooda loo yaqaan AUSSOM kuwaa oo bedeli doona ATMIS.

Arintan ayaa imanaysa ka dib markii madaxweynaha dowlada federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud iyo raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay ku kulmeen Ankara, Turkey halkaasoo lagu xaliyay qilaafaadkii soo jiitamayay mudada sanadka ah ee u dhaxeeyay labada dal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *