Somaliland oo gabi ahaanba ka baxday wadahadaladii mudada u socday dowladda Soomaaliya

Hargeysa – Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay jartay wadahadalladii muddo ka badan toban sano u socday ee ay la lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay xadgudub ku tilmaantay socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu toddobaadkan ku tagay magaalada Laascaanood.

Go’aankan ayaa kasoo baxay fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu warbaahinta u akhriyay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle. Wasiirku wuxuu sheegay in laga bilaabo 16 April 2024, aanay jirin wax wadahadal ah oo dhex mari doona Somaliland iyo Soomaaliya.

“Maadaama Dowladda Federaalka Soomaaliya si isdaba joog ah ugu kacday xadgudubyo ka dhan ah madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, iyo mabaadi’dii lagu dhisay wadahadalladii hore, Golaha Wasiirrada waxa ay go’aamiyeen in laga baxo wadahadalladii, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 16 April 2024,” ayuu yiri Wasiir Ayaanle.

Wuxuu intaa ku daray in socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood uu ahaa “xaflad siyaasadeed oo si bareer ah loogu tuntay madax-bannaanida Somaliland,” taas oo uu ku tilmaamay daandaansi cad iyo hurin colaadeed, taasoo uu sheegay inay halis galinayso xasilloonida Geeska Afrika.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu si adag u beeniyay jiritaanka wax wadahadal ah oo ay Somaliland la yeelatay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan sii-deynta maxaabiista Somaliland looga qabtay gobolka Sool, isaga oo ku tilmaamay in loo qaaday magaalada Muqdisho “afduub sharci-darro ah”.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Somaliland diyaar u tahay in maxaabiista la isweydaarsado, balse ay tahay in loo maro hannaan sharci ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, isaga oo carabka ku dhuftay in hay’adda ICRC (Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas) ay tahay hay’adda kaliya ee Somaliland u aqoonsan tahay garsoore madax-bannaan oo dhex-dhexaad ka ah arrimaha maxaabiista.

Somaliland waxay sidoo kale fariin u dirtay beesha caalamka, iyada oo ugu baaqday inay si degdeg ah uga falceliso waxa ay ku tilmaantay faragelin joogto ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka wado bariga gobolka Sool. Waxa ay codsatay in la taageero dadaallada xukuumadda Somaliland ku doonayso in nabad waarta looga hirgeliyo deegaanadaasi.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ee Laascaanood – oo uu ugu magac daray “Safarka Xoojinta Midnimada” – ayaa yimid iyadoo Laascaanood ay tan iyo horraantii 2023 si buuxda uga baxday gacanta Somaliland. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan maamulka SSC-Khaatumo – oo xaruntiisu tahay Laascaanood – u aqoonsatay maamul hoostaga dowladda dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xabsiga ka sii daysay 25 maxbuus oo ka tirsanaa maxaabiista Somaliland ee lagu hayay gobolka, kuwaas oo la geeyay magaalada Muqdisho. Somaliland ayaa tallaabadaasi u aragtay mid kale oo ka dhan ah madax-bannaanideeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *