Shirka Horumarinta Caasimada oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho (Wargeyska.net) –  Shir looga hadlaayay daahfurka Dhismaha horumarinta Muqdishada Cusub ayaa lagu qabtay magaalada Muqdishu, caasimada dalka Soomaaliya caawa.

Shirka oo uu shir gudoomiyay Raysal Wasaare ku xigeenka labaad ee dowlada ee xukuumada federalka Somaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali mashaaricda horumainta magaalda Muqdisho oo uu kow ka yahay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho kaassoo looga hadli doono shir lagu qaban doono magaalada Muqdisho maalinta khamiista ah oo ay taariikhdu tahay 19-ka December 2024ta.

Raysal Wasaare ku xigeenka dalka ayaa ku nuux nuuxsada in mashaariicdani ahmiyad weyn u leeyihiin qaranka ayna door weyn ka cayaari doonaan kobaca dhaqaalaha iyo horumarka magaalacad caasimada ah ee Muqdisho.

Wuxu kaloo intaa ku daray in magaaladani isu bedelo doonto xarun ganacsi oo heer caalami ah mustaqbalka dhow.

Madax ka socotay dowlada federaalka ah ee Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen wasiiro arintan u xil saarnaa ayaa laga dhagaystay daraasado arintaan laga sameeyay kuna saabsanaa wajiga koowaad ee hirgelinta mashaariicdan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *