Shirka Arrimaha Maareynta Khataraha Musiibooyinka oo ka furmay Ruwanda

Kigali, Rwanda – Waxaa magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda si rasmi ah uga furmay kalfadhigii 15-aad ee shirweynaha sanadlaha ah ee hay’adda African Risk Capacity (ARC), hay’ad u qaabilsan qaaradda Afrika ka hortagga iyo maaraynta khataraha musiibooyinka dabiiciga ah.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen dalalka xubnaha ka ah hay’adda ARC, ayaa qaybtiisa farsamo si qoto dheer loogu lafa guray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

  1. Doorashada guddoomiyaha kalfadhiga 15-aad ee sanadka 2025
  2. Doorashada madaxa cusub ee hay’adda ARC oo xilka qaban doona afarta sano ee soo socota

Qaybta farsamo ee shirka ayaa sidoo kale lagu gaaray go’aammo istiraatiiji ah oo loo gudbinayo madaxda sare ee wadamada xubnaha ka ah ARC, waxaana go’aamadan qayb libaax leh ku lahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle, oo matalayay Soomaaliya.

Intii uu socday shir-madaxeedka, hay’adda SoDMA ayaa si firfircoon uga qayb qaadatay doodo muhiim ah oo lagu taageerayay ajandayaasha iyo warbixinadii ka soo baxay shirarkii heer farsamo ee horey u qabsoomay. Ajandaha ugu weyn ayaa ahaa soo jeedin ku saabsan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga qaaradeed ee la dagaallanka abaaraha kusoo noqnoqday dalal badan oo Afrikaan ah.

Ugu dambayn, waxaa shirku kusoo dhammaaday khudbado qiimo leh oo ay jeediyeen madaxda ka qaybgalaysay, iyadoo Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle, uu halkaas ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo ku saabsan doorka Soomaaliya ee ka hortagga iyo ka jawaabista musiibooyinka, gaar ahaan abaaraha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *