Waxaa isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banadir soo booqday wafdi balaaran oo ka socday safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Safiirka Dowladda China u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu. Wafdiga waxaa si diiran u soo dhaweeyay Dr. Mohamed Bulaale, wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka, iyo Dr. Fartun Sharif Mohamed, agaasimaha guud ee isbitaalka, oo ay weheliyaan maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka.
Safiirka Shiinaha, Mr. Wang Yu, ayaa muujiyay dareenkiisa ku aaddan sida ay ugu faraxsanyihiin isbitaalka Banadir iyo kaalinta muhiimka ah ee uu bulshada ku leeyahay. Wuxuu ballanqaaday in Shiinaha uu si weyn u garab istaagi doono isbitaalka, si loo taageero adeegyada caafimaad ee sare.



