Raysalwasaaraha XFS oo magacaabay Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jiro argagixisada

Ka dib shirkii maanta golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku yeesheen mgaalada Muqdisho ayaa Raysalwasaare Xamse Abdi Barre magacaabay gudi qaabilsan la dagaalanka argagixisada al-Shabaab iyo Daacish.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jira kooxaha Khawaarijta ah ee Shabaab iyo Daacish.

Xubnaha Guddiga Taakulaynta Dagaalka, ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *