Raysal Wasaare Xamse oo magacaabay agaasimayaal guud

Muqdisho: Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta iyo Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimiyaasha Guud ee la magacaabay ayaa kala ah;
Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta.

Mudane Mahdi Sheekh Cabdullaahi Cumar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *