Qarax lala eegtay ciidamada Puntland

Wararka ka imaanaya buuraha Calmiskaad ee Puntland  ayaa sheegaya in qarax lala helay ciidamada daraawiishta Puntland uu sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray ciidamadaasi oo ku sii jeeday howlgal ay ku baacsanayeen dagaalamayaasha Daacish.

Qaraxa oo ay ku dhinteen 10 askarta Puntland ka tirsanaa halka 5 kalana ay ku dhaawacmeen ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxaysa deegaanada Qurac iyo Gaatir-Oodan oo ku dhaw  togga Jeceel.

Inta la ogyahay qaraxyo hore uga dhacay isla buuraha Calmiskaad waxaa  ku baxay saraakiil iyo ciidamo qaarkood caan ka ahaa deegaanada Puntland,waxayna qaraxyadu inta badan dib u dhac u keenaan howlgalada daraawiishta Puntland ay ka wadaan buuraha Calmiskaad.

Qaraxii ugu danbeeyay waxaa ku dhintay Taliyihii Howlgalinta Ciidanka Calmiskaad, Gen. Cabdi Cali Qalyare kaasoo aad looga yaqaanay deegaanada Puntland wuxuuna ahaa sarkaal da’ ah oo waayeel ah hadana diyaar u ahaa inuu dadkiisa iyo deegaanakiisa ka diaaco Daacish Rabi ha u naxariistee.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *