Puntland ayaa ku amartay shirkadaha Isgaadhsiinta inay xiraan dhammaan lambarada ku diiwaan gashan magacyada ajaaniita ka tuugsata magaalooyinka waaweeyn ee Dowlad Goboleedka Puntland.
Qaar ka mid ah dadkaas ayaa looga shakisan yahay iney xiriir la leeyihiin kooxda Daacish oo dagaal adag kula jirta ciidamada Puntland.
Arintan ayaa imaaneysa ka dib markii ay ciidamada booliska Puntland ku qabteen labo tuugsade oo ka soo kala jeeda Yemen iyo Ethiopia magaalada ganacsida ee Boosaaso kuwaasoo lagu eedeeyay inay xidhiidh la lahaayeen kooxda ka dagaalanta buuraleyda Gobolka Bari ee Daacish.