Nairobi, Kenya – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Mustafa Dhuxulow, oo uu wehliyay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya, Marwo Evelyn Cheluget, iyo Xoghayaha Wasaaradda Amniga Gudaha Kenya, Mudane Thomas Saka.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa lagu lafaguray xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada adeegyada socdaalka, fududeynta helitaanka fiisooyinka, iyo amniga xuduudaha.

Agaasime Mustafa Dhuxulow ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Kenya soo dhaweynta diirran, wuxuuna carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la sii xoojiyo wadashaqeynta labada dhinac, si loo dardargeliyo adeegyada socdaalka oo si toos ah u taabanaya nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan Kenya ama socdaalka ugu tagaya.

Dhuxulow wuxuu sidoo kale kala hadlay mas’uuliyiinta Kenya arrimo la xiriira:

  • Horumarinta nidaamyada dijitaalka ee socdaalka,
  • Is-dhaafsiga xogaha socdaalka,
  • Xoojinta ammaanka xuduudaha,
  • Iyo fududeynta isku socodka shacabka labada dal.

Dhinaceeda, Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya, Marwo Evelyn Cheluget, ayaa muujisay sida dowladda Kenya uga go’an tahay in la xoojiyo iskaashiga labada waddan, iyada oo ballanqaaday in Kenya ay sii wadayso dadaalka lagu horumarinayo adeegyada socdaalka si ay u noqdaan kuwo hufan, degdeg ah, islamarkaana u adeegaya muwaadiniinta labada dhinac.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallo sii socday oo lagu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxaana diiradda la saaraya sidii loo abuuri lahaa jawi iskaashi iyo kalsooni ku dhisan oo u horseeda labada dal horumar iyo iskaashi ballaaran oo dhinacyo badan leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *