Midowga Afrika oo Taageero Buuxda u Muujiyay Soomaaliya, una Ballanqaaday Kordhin Lacageed oo Loogu Talo Galay AUSSOM

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa shir muhiim ah oo ay yeesheen ku muujiyay taageeradooda buuxda ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Goluhu wuxuu si cad u sheegay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay inay garab istaagaan Soomaaliya dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay sii wadaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo xasillooni siyaasadeed.

Golaha ayaa si gaar ah u ammaanay dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan dardar-gelinta ajendayaasha qaran sida dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah, xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab, iyo horumarinta nidaamka federaalka. Waxay dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland, ugu baaqeen inay ka qayb qaataan hannaan wada-hadal siyaasadeed oo mideysan oo ay ka muuqdaan dhammaan dhinacyada muhiimka ah ee dalka.

Sidoo kale, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda amni ee Soomaaliya, gaar ahaan khatarta sii kordheysa ee Al-Shabaab. Waxay ciidamada ammaanka Soomaaliyeed ku dhiirrigeliyeen inay sii xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyagoo heli doona taageero joogto ah oo ka timaadda beesha caalamka.

Midowga Afrika ayaa shaaciyay in ay kordhiyeen taageerada lacageed ee Sanduuqa Kaydka Xaaladaha Degdegga ah, iyagoo ku daray $10 milyan oo dheeri ah, taasoo ka dhigeysa wadarta guud ee sanadka 2025 la heli karo $20 milyan. Dhaqaalahan ayaa si gaar ah loogu talagalay in lagu taageero hawlgalka nabad ilaalinta AUSSOM oo badalay hawlgalkii ATMIS.

Goluhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya in ay taageeraan shir dhaqaale uruurin ah oo lagu doonayo in la helo maalgelin waarta oo lagu sii wadi karo howlgalka AUSSOM.

Waxaa la filayaa in Guddiga Midowga Afrika uu toddobaadyada soo socda u gudbiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay warbixin dhammeystiran oo la xiriirta hawlgallada AUSSOM, gaar ahaan saldhigyada cusub, saadka, iyo baahiyaha duulimaadyada, si loo helo taageero joogto ah oo ka timaadda Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Ugu dambayn, Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay in aysan ka bixi doonin Soomaaliya ilaa laga xaqiijiyo guul buuxda oo ka dhan ah Al-Shabaab, lana helo nabad iyo dowladnimo rasmi ah oo ay hoggaan u yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *