Dr Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuummadda Federaalka ah ee Soomaaliya, halkaas oo uu kulammo kula yeeshay taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Nabad Sugidda.
Kulammada ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee al-Shabaab iyo sidii looga cirib tiri lahaa dalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka dhageystay hoggaanka Ciidamada Qaranka warbixinno la xiriira xaaladda guud ee amniga.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey ciidamada dadaallada naf-hurnimada leh ee ay u hayaan difaaca dalka iyo xasilloonida shacabka.
Waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo guul waarta oo laga gaaro la dagaallanka argagixisada.
Madaxweynuhu wuxuu mar kale caddeeyey in dowladdu ka go’an tahay ciribtirka khatar kasta oo lid ku ah amniga iyo xasilloonida qaranka Soomaaliyeed.