Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in doorashooyinka dadban ee dalka lagusoo maamulayay ay dhaawac weyn u geysteen kalsoonida caalamka uu ku qabay dowladnimada Soomaaliya.
Si shacabka Soomaaliyeed ay u doortaan hogaanka ay ku kalsoonyihiin waxaa lagama maarmaan ah in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah ayuu yiri Madaxeyne Xassan Sheekh.
Isagoo ka hadlayay arrimaha doorashooyinka, Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu tilmaamay in aanay macquul ahayn in Soomaaliya mar kale kusoo laabato nidaamka doorasho dadban, isagoo hoosta ka xariiqay in beesha caalamka aysan diyaar u ahayn inay la shaqeyso dowlad ku timaada nidaam aan la saadaalin karin natiijadiisa. “25 sano doorasho dadban ayaan joognaa, masii joogi karno, macquulna ma ahan, mana nala aqbalayo. Caalamku nama aqbalayo inaan sidaas dowlad ku ahaano oo nagula macaamilo. Waxay na leeyihiin, ma naqaano waxay ka shaqeynaysaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in dowladdu ka go’an tahay fulinta ballanqaadkeedii ahaa in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, taasoo kor u qaadeysa sida uu sheegay hufnaanta iyo cadaaladda doorashooyinka.