Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa soo dhoweeyay baaqii nabadeed ee dhowaan uu soo jeediyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, taas oo ka tarjumaysa rabitaanka labada dhinac in si nabad ah loo xalliyo colaadda ka taagan magaalada Ceerigaabo, gobolka Sanaag.
Baaqa Deni ayaa ku saabsan xal ka gaarista colaadda ka taagan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, taasi oo u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo beesha Warsangeli Doorood ee degta magaaladaas.
Sidoo kale, Cirro ayaa tilmaamay in xiisadda gobolka Sool ay haatan ku socoto waddo nabadeed, taas oo rajo cusub u muujinaysa dadka deegaanka iyo guud ahaan gobolka, hadalkaan ka soo yeeray Cirro wuxuu muujinayaa in xukunkiisu uu ka weecday wadadii awoodda militeriga ww madaxweynihii isaga ka horeeyey Muuse Biixi.
Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland ayaa si cad u beenisay wararka baraha bulshada lagu faafiyay ee sheegaya in laga qaaday ilaaladii madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi.
Cirro ayaa sheegay in wararkaas looga dan leeyahay in lagu abuuro qalqal amni iyo jahawareer siyaasadeed, balse xukuumaddu waxay xaqiijisay in aysan jirin wax isbeddel ah oo lagu sameeyay ilaalada Madaxweyne hore Muuse Biixi.
Tani waxay muujinaysaa in Somaliland ay weli ka go’an tahay ilaalinta amniga iyo xasilloonida, xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo nabadda gudaha iyo xiriirka deriska.