Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Jabuuti oo Muqdisho si Weyn loogu soo Dhaweeyay+SAWIRRO

Muqdisho – Magaalada Muqdisho ayaa maanta marti-gelisay booqasho heer sare ah oo uu ku yimid Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Jabuuti ahna xubin ka tirsan Golaha FIFA, Mudane Suleiman Hassan Waabari, taasoo loo arkay tallaabo taariikhi ah oo kor u qaadaysa xiriirka isboorti ee gobolka Geeska Afrika.

Mudane Waabari ayaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda, waxaana si diirran u qaabilay masuuliyiin sar sare oo ka kala socday Dowladda Federaalka iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya (XKCS). Waxaa soo dhawaynta ka qeyb galay:

  • Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Mudane Cali Cabdi Maxamed
  • Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha JFS, Dahabo Suusow Maxamuud
  • Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa
  • Madaxweyne Ku Xigeenada XKCS,
  • Xubnaha Guddiga Fulinta ee XKCS,
  • Xoghayaha Guud ee Xiriirka,
  • Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha kooxaha dalka,
  • Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada,
  • Masuuliyiin ka socday Maamulka Ciyaaraha Gobolka Banaadir.

Soo dhawayntan heerka sare ah ayaa la tilmaamay inay tahay tii ugu ballaaranayd ee loo sameeyo mas’uul ka tirsan Golaha FIFA oo booqasho rasmi ah ku yimaada Soomaaliya, gaar ahaan iyadoo uu Mr. Waabari xilka haya.

Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, oo ay hogaaminayso Jawaahir Maxamuud Jaamac “Baarqab”, ayaa door muuqda ka qaatay abaabulka iyo soo dhaweynta, halka Barbaarta Gaashaaman ay madasha kusoo bandhigeen ciyaaro dhaqameed qurux badan oo muujinayay hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Inkasta oo Mr. Suleiman Waabari horey u booqday Soomaaliya, haddana waa markii ugu horreysay uu dalka yimaado isagoo si rasmi ah ugu jira Golaha FIFA – hay’adda ugu sarreysa ee kubadda cagta adduunka. Taasi ayaa si weyn loogu tilmaamay horumar diblomaasiyadeed iyo mid isboorti oo muhiim u ah xiriirka labada dal.

Waabari ayaa si gaar ah loogu xusuustaa kaalinta uu ka qaatay kobcinta xiriirka labada Xiriir ee Jabuuti iyo Soomaaliya, isagoo mar walba taageero muuqata u muujiyay horumarinta kubadda cagta Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada mashaariicda horumarineed, tababarrada, iyo sare u qaadista muuqaalka ciyaaraha Soomaaliya ee caalamka.

Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ayaa booqashadan ku sifeeyay mid tusaale u ah xoojinta wada-shaqeynta isboorti ee gobolka, iyadoo ay socdaan dadaallo xooggan oo uu hoggaaminayo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya si loo kobciyo tayada iyo sumcadda ciyaaraha dalka.

Booqashada Madaxweyne Waabari ayaa la filayaa inay horseed u noqoto iskaashi cusub oo miro-dhal ah, iyada oo ay sare u qaadayso rajada dib u dhiska kubadda cagta Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka ay la leedahay hey’adaha kubadda cagta ee caalamiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *