Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta, 20 December 2024, xafiiskiisa xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ku qaabilay wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Dibidda ee Dalkaasi Tanzania, Mudane Mohamud Thabit Kombo oo safar shaqo ku soo gaaray magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa Wasiirka ka guddoomay dhambaal iyo salaan uu ka siday, Madaxweynaha dalka Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, isaga oo wafdiga la wadaagay ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dowladood, gaar ahaan heshiisyadii dhowrka ahaa ee ay dhowaan labada ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdiga dowladda Tanzania, waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjiraha Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo mas’uuliyiin sare oo ka socday labada dhinac.



