Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxa Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA), Mudane Claver Gatete, oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka, si uu uga qeybgalo daahfurka rasmiga ah ee Shirka Hiigsiga Qarni-jirka 2060.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Mudane Claver Gatete booqashadiisa iyo taageerada ay Qaramada Midoobay u hayaan horumarka iyo dib-u-dhiska Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaaliya ay gaartay horumar la taaban karo sannadihii u dambeeyay, taasoo caddeyn u ah dadaallada xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Horumarada uu Madaxweynaha carrabka ku adkeeyay waxaa ka mid ah dhammeystirka hannaanka deyn cafinta oo Soomaaliya u sahashay in ay dib ula midoowdo nidaamka maaliyadeed ee caalamka, ku biirista rasmiga ah ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), kororka dakhliga gudaha dalka, iyo hagaajinta nidaamka maaliyadda oo horseeday xasilooni dhaqaale.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda uu leeyahay Shirka Hiigsiga Qarni-jirka 2060, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya ay qorshe cad ka leedahay horumarka dhaqaale iyo siyaasadeed ee sannadaha soo socda.
Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya ay ugu jirto sidii ay ula jaanqaadi lahayd horumarka gobolka iyo kan caalamkaba.



