Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed. Dhismahan ayaa loogu talagalay in lagu horumariyo adeegyada caafimaad ee bulshada deegaanka.
Munaasabadda daah-furka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday xarunta cusub ee wasaaradda, waxaana ka qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay kamid yihiin Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka, xubno ka socday golayaasha maamulka Koonfur Galbeed, Wasiirka Caafimaadka Koonfur Galbeed, iyo dadweyne tiro badan.
Dhismahan cusub oo lagu dhisay qaab casri ah ayaa ka kooban qaybo kala duwan oo u gaar ah maamulka caafimaadka, daaweynta, kaydinta dawooyinka, iyo daryeelka bukaannada. Ujeeddada laga leeyahay dhismahan ayaa ah in lagu xoojiyo adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah, laguna horumariyo tayada iyo helitaanka daryeel caafimaad oo la jaanqaadi kara baahiyaha bulshada.
Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in dhismahan cusub uu yahay tallaabo muhiim ah oo dhanka horumarinta adeegyada bulshada ah, isagoo xusay in maamulkiisu ka go’an yahay sare u qaadidda adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah. Wasiirka Caafimaadka XFS ayaa dhankiisa bogaadiyay dadaalka maamulka Koonfur Galbeed ee ku aaddan horumarinta caafimaadka, wuxuuna ballanqaaday in dowladda dhexe ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso maamul goboleedyada si loo gaaro adeeg caafimaad oo loo siman yahay dalka oo dhan.
Ugu dambayn, munaasabadda ayaa ku soo idlaatay jawi ay ka muuqato rajo iyo hiigsi cusub oo ku wajahan horumar waara oo dhanka adeegyada caafimaadka ah ee Koonfur Galbeed.