Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Aljeeriya Mudane Kamel Badari maanta, 20 December 2024, wafdigan oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalda Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.
Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka guddoomay Mr Kamel Badari, wasiirka tacliinta saree e dalkaa aan walaalaha nahay ee Aljeeriya farriin iyo salaan ay uga sideen Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Aljeeriya Mudane Cabdilmajiid Tabbuune, iyagoo la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda dalkaas iyo sida ay uga go’an tahay Madaxdiisa sare u qaadidda xiriirka ay la wadaagaan Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dal iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayso horumarinta midnimada iyo isdhexgalka Qaaradda Afrika.

