Maamulka Gobolka Banaadir oo Dardar Geliyay Dib-u-soo Celinta Bilicda Caasimadda iyo Furista Waddooyinka Roobabku Saameeyeen

Muqdisho – Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa si isdaba joog ah uga shaqeynaya soo celinta bilicda caasimadda Muqdisho iyo furista waddooyinka muhiimka ah ee ay saameeyeen roobabkii xooganaa ee dhawaan ka da’ay magaalada, kuwaas oo saameyn ku yeeshay kaabayaasha nololeed iyo isku socodka dadweynaha.

Howlwadeenno ka tirsan Waaxyaha Howlaha Guud, Nadaafadda iyo Bilicda, oo kaashanaya maamullada degmooyinka, ayaa si degdeg ah uga jawaabay xaaladda, iyagoo ku guuleystay daadguraynta biyaha roobka ee fariistay waddooyinka waaweyn. Waxa ay sidoo kale dib u soo celiyeen nadaafadda iyo bilicdii waddooyinka si loo fududeeyo isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Hawlgalka nadaafadda iyo dib-u-hagaajinta waddooyinka ayaa si xowli ah ku socda, iyadoo la fulinayo qorshe lagu dhammeystirayo shaqooyinka haray, gaar ahaan waddooyinkii ay roobabku burburiyeen. Shaqaaluhu waxa ay wadaan dib-u-dhis lagu sameynayo waddooyinka si loo hubiyo in ay u adeegaan bulshada si hufan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa caddeeyay in dadaalladan ay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo loogu talagalay horumarinta kaabayaasha muhiimka u ah nolasha magaalada, si shacabka caasimadda u helaan adeegyo casri ah oo tayadoodu sarreyso. Maamulka ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka in ay qeyb ka noqdaan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda magaalada, taasoo ah masuuliyad guud.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *