Ka dib casilaad u ku sameeyay guddoomiyayaashid gobolada Baay iyo Shabeelada Hoose, Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta magacaabay labo gudoomiya oo kale ka dib wareegto uu soo saaray.
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Baay ayaa waxaa loo magacaabay Cali Wardheere Dooyow, halka Shabeelaha Hoose, mar kale lagu soo celiyay Ibraahim Aadan Najax.
Wareegtada ayaa lagu faray guddoomiyeyaasha cusub in ay si deg-deg ah ula wareegaan xilalka loo magacaabay, ayna dardargelinayaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
Lafta Gareen ayaa maalmahan isbeddalo ballaaran ku waday maamullada degmooyinka iyo kuwa gobollada ee maamulkaasi.