Muqdisho – Khabiirka Madaxa Bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, Ms. Isha Dyfan, ayaa shaacisay niyad-jab iyo walaac xoogan oo ku saabsan in weli aysan jirin wax horumar ah oo laga gaaray dib-u-eegista dastuurka, tan iyo markii la ansixiyay afar cutub oo kamid ah dastuurka KMG ah sannadkii hore.
Ms. Dyfan, oo safar qiimeyn ah ku tagtay Soomaaliya, ayaa ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si dhab ah u dardar-geliso geeddi-socodka dastuurka, iyadoo la xaqiijinayo ka qeybgalka dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed iyo bulsho, si loo dhiso is-afgarad ballaaran, loona helo dastuur sharciyad leh oo hufan oo ay bulshada Soomaaliyeed kalsooni ku qabto.
Intii ay ku guda jirtay safarkeeda, Ms. Dyfan waxay sidoo kale warbixin ka diyaarisay xaaladda guud ee xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, iyadoo xustay in dalka uu wajahayo xaalado is bedbedelaya oo dhinacyada siyaasadda, ammaanka, iyo bani’aadannimada ah, taas oo si weyn u saameyneysa ilaalinta xuquuqda aadanaha ee shacabka.
Waxay si cad u cambaareysay kooxda Al-Shabaab, oo ay ku tilmaantay dambiile weyn oo weli si joogto ah u geysata tacaddiyo ba’an oo ka dhan ah dadka rayidka ah, gaar ahaan carruurta, una xaglinaya hurinta qalalaasaha amni ee dalka.
Sidoo kale, Ms. Dyfan ayaa walaac ka muujisay iska horimaadyada u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland, kuwaas oo ay sheegtay inay kordhiyeen tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda rayidka, oo ay kamid yihiin xadgudubyo jinsiga ku saleysan (SGBV), askareynta carruurta, iyo guurka khasabka ah ee carruurta.
Ugu dambeyn, Khabiirkan QM waxay ugu baaqday dowladda Soomaaliya, maamullada goboleedyada, iyo saaxiibada caalamiga ah in ay ka shaqeeyaan horumarinta nidaam cadaaladeed oo waara, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo xoojinta hannaanka dimoqraadiyadda dalka.