Khaatumo oo Shaacisay Cida Fulisay Dilkii loo Geestay Faarax Ceydiid

Laascaanood – Maamulka Khaatumo ayaa si rasmi ah uga hadlay dilka sargaal amni oo katirsanaa qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garoowe, kaasoo habeen hore meydkiisa laga helay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sargaalkan oo lagu magacaabi jiray Faarax Caydiid Jaamac (Bariis), ayaa si naxariis-darro ah loo dilay, iyadoo meydkiisa lagu arkay calaamado cad oo muujinaya jirdil adag iyo rasaas lagu furay. Dadkii ka dambeeyay falkan weli lama hayo, waxaana baxsad ah kooxdii geysatay dilka.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maamulka SSC-Khaatumo, Avv. Cabdillaahi Xirsi, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dilka marxuumka uu geystay koox hubeysan oo aan weli la aqoonsan, hase yeeshee tuhunku uu xooggan yahay in kooxda Al-Shabaab ay ka dambeysay weerarka. Wuxuu sidoo kale caddeeyay in sarkaalku uu la kulmay jirdil ba’an ka hor inta aan la toogan, waxaana meydkiisa si arxan darro ah loogu tuuray banaanka magaalada Laascaanood.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo amni, Faarax Bariis wuxuu ka tirsanaa hay’adda sirdoonka Itoobiya, isla markaana ka howlgalayay qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe, caasimadda maamulka Puntland. Wararka ayaa intaas ku daraya in Al-Shabaab ay muddo raadineysay sarkaalkan, iyadoo loo maleynayo inuu bartilmaameed u ahaa howlihiisa amni darteed.

Maamulka Khaatumo ayaa cambaareeyay falkan arxan darrada ah, iyagoo ballanqaaday in baaritaan dhab ah lagu sameynayo dhacdadan, si gacanta loogu dhigo dambiilayaasha ka dambeeyay dilka.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay gobolka ka jirto xaalad amni oo kacsan, waxaana wararka falanqeeya sugnaanta amniga ay sheegayaan in dhacdadan ay kor u qaadayso welwelka laga qabo weerarro qorsheysan oo ka dhan ah shaqaalaha ammaanka iyo diblomaasiyiinta ku sugan gobolka. Maamulka Khaatumo ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si looga hortago falal noocan oo kale ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *