Jubbaland oo uga diginin adag u dirtay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya

Ka dib shirki golaha wasirada ee Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ka dhacay magaalada kismaayo, caasimada dowlad goboleedka kaasoo uu gudoominaayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Ahmed Mohamed Islam ayaa laga soo saaray war saxaafadeed.

Warsaxaafadeedka ayaa loogu digay Dowlada Federaalka ah ee Soomaliya inay ka deyso faragelinta ay ku heyso Gobolka Gedo oo uu ka arimiyo Dowlad Goboleedka Jubbaland.

“Golaha Wasiirrada ayaa dood dheer ka yeeshay faragelinta sharci-darrada ah ee Dowladda Federaalka ay ka waddo deegaanada Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo, taas oo laga digay in ay sababi karto colaado hor leh iyo isku dhacyo keeni kara khasaare kala duwan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay kulanka Golaha Wasiiradda Jubbaland. 

Digniintan kasoo baxday Jubbaland ayaa kusoo aadeysa,  maalmo kaddib markii uu natiiijo la’aan kusoo dhammaaday kulan wadaxaajood ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo, kaasoo ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *