Injineer Ka Tirsanaa Shirkadda Hormuud oo Lagu Dilay Muqdisho, Gacan Ku Dhiigleha oo La Qabtay

Muqdisho – Nin hubeysan ayaa gelinkii dambe ee maanta ku dilay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho Injineer Faysal Cabdullaahi Takar, oo ka tirsanaa shaqaalaha farsamada ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, gaar ahaan qeybta bixisa adeegga xawaaraha sare ee shabakadda “Fiber Optic”.

Dilkan ayaa ka dhacay agagaarka Shineemo Cabdi Waayeel, kadib markii ninka hubeysan oo la sheegay inuu qori ka dafay askari ka tirsan booliska uu rasaas ku furay gaari uu la socday Injineer Faysal, kaasoo isla goobta ku geeriyooday.

Ciidamada ammaanka ee degmada Heliwaa ayaa si degdeg ah uga jawaabay falkan, waxayna ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan ninkii falkaasi gaystay, iyagoo ku qabtay agagaarka meesha dilku ka dhacay ee bar-koontaroolka Shineemo Cabdi Waayeel.

Warar horudhac ah ayaa tilmaamaya in ninka dilka gaystay uu si bareer ah u beegsaday Injineerka, hase yeeshee weli lama shaacin sababta ka dambeysay falkan. Laamaha ammaanka ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah u faahfaahin sababaha dilka iyo xiriirka uu u lahaa falkaasi.

Booliska ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno ballaaran oo ku aaddan dhacdada, ayna gacan ku dhiiglaha horgeyn doonaan maxkamadda awoodda u leh marka baaritaanka lagu soo gabagabeeyo.

Injineer Faysal Cabdullaahi Takar ayaa kamid ahaa khubarada farsamada ee shirkadda Hormuud, gaar ahaan kuwa qaabilsan fidinta adeegyada casriga ah ee internet-ka xawaaraha sare leh, wuxuuna si weyn uga shaqeyn jiray horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta ee caasimadda.

Shirkadda Hormuud iyo ehelada marxuumka ayaan weli ka hadlin dilka, hase yeeshee falalka noocan ah ayaa marar badan ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo inta badan la beegsado shaqaalaha rayidka ah ama xirfadlayaal aan wax shaqo ah ku lahayn arrimaha siyaasadda ama amniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *