Galguduud – howlgalo qorsheysan oo ay si wada jir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), iyo saaxiibada caalamiga ah, ayaa ka dhacay deegaanka Nooleye ee gobolka Galguduud, waxaana intii uu howlgalku socday ay halkaas ku dileen afar ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay ciidanka dowladda Soomaliya.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalka si gaar ah loogu beegsaday fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas.
“Qiimeynta hordhaca ah waxay muujineysaa in ugu yaraan afar dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgalka,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay CXDS.
Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo militari oo xooggan oo ka socda deegaanno ka tirsan Galmudug iyo Hirshabelle, xilli dhawaan Al-Shabaab weerar culus ku qaadday degmada Ceel-Dheer ee gobolka Galguduud, halkaas oo labada dhinac ay khasaarooyin kala duwan kasoo gaareen.
Saraakiisha militariga ayaa sheegay in howlgalka Nooleye uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee gudaha iyo dibedda loogu jiro ciribtirka kooxda Al-Shabaab iyo kuwa kale ee xiriirka la leh ISIS, si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.
Al-Shabaab oo muddo ka badan 16-sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya, ayaa si joogto ah u beegsata ciidamada ammaanka, mas’uuliyiinta dowladda, iyo shacabka rayidka ah.