Horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo lagu dilay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Baladul amiin oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afgooye ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab.

Horjoogaha howlgalka qorsheysan lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Daa’uud Maxamed Maleele, kaasoo kooxda u qaabilsana waxay ugu yeeraan Sakawaadka iyo Sahanka deegaanka Baladul amiin ee degmada Afgooye.

Horjooge Maleele ayaa la tilmaamay inuu ahaa nin si weyn u dhibaateyn jiray shacabka Soomaaliyeed ee ku nool tuulooyinka hoostaga deegaanada Sabiid iyo Baledul amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan lagu khaarajiyay horjooge Maleele ayaa qeyb ka noqonaya howlgalada ciidanka xoogga dalka ay ku bartilmaameedsanayaan horjoogayaasha iyo dagaalyahanada kooxda Al-shabaab.

Tan ayaa imanaysa maalin  ka dib markii ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka duqeyn ka dhacday deegaanka Ceel bacad ay ku dileen horjoogahii labaad ee kooxda Al-shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu magacaabi jiray Yuusuf dhegnaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *