Algiers, Algeria – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan miro-dhal ah magaalada Algiers kula yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Aljeeriya, Mudane Ibrahim Boughali, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaannada Carabta.
Kulankan ayaa qeyb ka ah booqashada rasmiga ah ee Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu ku joogo dalka Aljeeriya, halkaas oo uu uga qeybgalayo Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Wadamada Carabta.
Guddoomiye Ibrahim Boughali ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdiga ka socday Soomaaliya, isaga oo uga mahadceliyay ka qeybgalka shirka iyo dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto xoojinta xiriirka labada baarlamaan. Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda iskaashi buuxa oo dhexmara baarlamaannada Soomaaliya iyo Aljeeriya, isagoo si gaar ah u bogaadiyay doorka firfircoon ee Soomaaliya ku leedahay horumarinta iyo xasilinta gobolka Carabta.
Dhankiisa, Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Aljeeriya martigelinta shirka iyo soo dhoweynta heerkeedu sarreeyo ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa. Wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada sharci-dejinta iyo is-dhaafsiga khibradaha baarlamaanada.
Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah u amaanay kaalinta Aljeeriya ee ku aaddan taageerada arrimaha Carabta, isagoo tilmaamay in iskaashiga labada baarlamaan uu fure u noqon karo kobcinta aqoonta, horumarinta nidaamyada sharci-dejinta iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo xiray is-afgarad ballaaran oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada baarlamaan, iyadoo lagu saleynayo danaha guud iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.
