Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo ku Baaqay in Maxaabiista SSC Khaatumo Lagu Sii Daayo Shuruud La’aan

Hargeysa – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ku baaqay in xukuumadda Somaliland ay si shuruud la’aan ah u sii deyso maxaabiista ay kaga hayso SSC Khaatumo, isagoo ku taliyay in aan loo xirin wax beddelasho ah oo ku saabsan maxaabiista Somaliland kaga xidhan Laascaanood.

Guddoomiye Saleebaan ayaa sheegay in arrinta sii deynta maxaabiista ay tahay mid bani’aadamnimo, loona baahan yahay in si dhab ah loogu adeego nabadda iyo wada noolaanshaha. Waxa uu carabka ku adkeeyay in aanay sax ahayn in dowladda Somaliland ay dadka maxaabiista ah ula macaamisho si siyaasadaysan, gaar ahaan iyadoo lala xidhiidhinayo is-bedbeddel ku saleysan mawqifyo siyaasadeed.

“Waxaan jeclaan lahaa in maxaabiista aynu ku siideyno shuruud la’aan, oo aynu u dhiibno ICRC, oo iyagu sidaas ku gudbiyaan. Kuweena ha haystaan ama ha siidaayaan; reer bulshada Somaliland ka tirsan ayay dowladdu maxaabiis kala xaalaynaysaa, taasi waa khalad,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Sidoo kale, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in madax-dhaqameedyo is xilqaamay ay ku hawlan yihiin dadaallo nabadeed, loona baahan yahay in arrimaha la xiriira siidaynta maxaabiista iyo nabadaynta guud ahaan lagu wakiisho waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka, halkii ay si toos ah ula xaajoon lahayd SSC Khaatumo, taas oo uu ku tilmaamay “nusqaan siyaasadeed”.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Guddoomiyuhu wuxuu eed kulul u jeediyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu ku eedeeyay in uu carqaladaynayo nabadda u dhaxaysa Somaliland iyo SSC Khaatumo, gaar ahaan kadib markii dowladda federaalku si rasmi ah u aqoonsatay SSC Khaatumo, taasoo uu ku sheegay in ay khatar ku tahay xasilloonida gobolka.

Maamulka SSC Khaatumo ayaa dhawaan si shuruud la’aan ah u sii daayay 25 maxbuus oo ka mid ahaa kuwa Somaliland kaga xidhnaa magaalada Laascaanood, iyagoo sheegay in ay u turaan duruufo gaar ah oo ay maxaabiistaasi wateen.

Sidoo kale, Puntland iyo Somaliland ayaa dhawaan iswaydaarsaday 26 maxbuus oo ay kala haysteen dagaalkii Laascaanood, waxaana labada dhinac gaareen heshiis ku saabsan is-dhaafsigooda.

Si kastaba ha ahaatee, illaa iyo hadda ma jiro heshiis rasmi ah oo si buuxda looga gaaray colaadda u dhaxaysa Somaliland iyo SSC Khaatumo, mana cadda goorta ay is-dhaafsan doonaan maxaabiista ay weli kala haystaan labada dhinac.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *