Muqdisho – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Howlgalka Xafiiska Hey’adda UNICEF ee Soomaaliya, Mudane Mads Oyen.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta adeegyada caafimaadka guud ee Gobolka Banaadir, xoojinta adeegyada nafaqeynta carruurta, ballaarinta xarumaha keydka talaalka, iyo sidii Hey’adda UNICEF ay door muuqda uga qaadan lahayd horumarinta xarumaha caafimaadka ee degmooyinka gobolka.
Guddoomiye Muungaab ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Hey’adda UNICEF kaalinta ay ka qaadato horumarinta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan adeegyada hooyada iyo dhallaanka. Wuxuu xusay in laga fogaado qorsheyaal kala go’aya oo la isla qaato yool caafimaad oo midaysan, si bulshada Gobolka Banaadir ay u helaan adeeg caafimaad oo tayo leh oo loo wada siman yahay.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo dhexmara Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adaha caalamiga ah, si loo xaqiijiyo horumarin waarta oo ku wajahan caafimaadka bulshada.
Dhankiisa, Madaxa UNICEF ee Soomaaliya, Mudane Mads Oyen, ayaa ballan qaaday in hay’addu ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso adeegyada caafimaadka ee Gobolka Banaadir, isaga oo sheegay in UNICEF ay ka go’an tahay in la helo bulsho caafimaad qabta oo leh adeegyo casri ah oo la heli karo.