Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa kulan xafiiskiisa kula qaatay taliyaha ciidmada booliska Soomaaliyeed iyo Guddoomiya Maxkamada Gobolka maanta, 28 December 2024. Kulanka ayaa diirada lagu saaray xoojinta wadashaqeynta booliska Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir.
Hambalyo iyo Bogaadin ayuu ugu horeyn Taliyuhu la wadaagay Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir,waxaana uu kulanka ka sheegay inuu diyaar la yahay is waafajinta qorshayaasha amaan ee Boliiska iyo maamulka cusub ee Gobalka Banaadir si kor loogu qaado amaanka Caasimadda Dalka ee Muqdisho iyo guud ahaan Gobalka Banaadir.
Arintan ayaa looga gol leeyahay sidii loo hagaajin lahaa amaanka magaalada caasimada ah ee Muqdihso kaasoo waayihii danbe aad u soo hagaagayay.