Golaha shacabka oo warbixin ka dhagaystay guddiga maaliyadda ee golaha

Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka sagaalaad ee kalfadhiga lixaad, kaasoo ka qabsoomay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu kooramkiisu buuxsanaa ayadoo ay soo xaadireen 163 xildhibaan, ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo la xiriira canshuuraha iyo hindise sharciyeed muhiim u ah maamulka tirakoobka dalka.

Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed, oo ka tirsan Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo Laxisaabtanka Hay’adaha Dowladda, ayaa xildhibaanada la wadaagay warbixin la xiriirta mooshin horey loo gudbiyay oo ku saabsan cabashooyinka laga qabo canshuuraha dalka, isaga oo si faahfaahsan u sharaxay qodobbada cabashada iyo talooyinkii guddigu ka soo saaray.

Sidoo kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah, taas oo muhiim u ah qorsheynta iyo maamulka xogta dadweynaha Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulanka soo xiray, isagoo u mahadceliyay xildhibaanada dadaalkooda iyo shaqada ay u hayaan shacabka iyo qaranka. Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyay in ay sii xoojiyaan howlahooda si loo dardar-geliyo sharci dejinta iyo korjoogteynta dowladnimada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *