Wararka ka imaanaya Gaalkacyo ayaa sheegaya in saaka bartamaha suuqa magaalada lagu dilay ganacsade caanka ahaa degaanka, kaddib markii aano qabiil loo beegsaday.
Ganacsadahaan oo lagu magacaabo Siyaad Cali Xirsi oo caan ka ahaa Gaalkacyo sidoo kalena kamid ahaa haldoorka gobolka Mudug ayaa saaka lagu toogtay bartamaha magaalada, kaddib markii dabley hubaysan ku weerartay xaruntiisa ganacsi ee suuqa Gaalkacyo dhinaca Puntland.
Goob-joogayaal ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegay in marxuum Siyaad Cali Xirsi lagu dilay bartamaha suuqa Gaalkacyo halkaasi oo uu xarun ganacsi ku lahaa kaddib markii dabley hubaysan ay rasaas ku fureen.
Ciidamada amaanka ee Puntland ee Mudug ayaa weli wax war ah kasoo saarin dilkan, iyo haddi ay jirto cid loosoo qabtay dilka, waxaana goobta ka baxsaday dableyda dilka geesatay.