Eedaysayaal la horkeenay maxkamada Galmudug

Galmudug: Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa maanta ufariisatay kiiska ay edaysanayaal kayihiin Abdi Cismaan Abdullahi, Ayuub maxamed Abdi iyo Galad Axmed Xuseen oo dhamaantood ku edaysan Dilka allaha unaxariistee Hooyo Sahra Cartan Xirsi iyo Gabadhaheeda oo dhawaan lagu laayay aaaga deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud.

Madasha lagu qaadayay kiiskaan dilka ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan DowladdaGalmudug, Saraakiisha Amniga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sedexda eedeysane wuxuu mid kasta inkirey eeda dilka ah ee loo heysto balse kiiska oo maanta bilowday ayaa la sii wadi doonaa.inkiraada sedexda eedeysane ayaa ku soo aadeysa xili dacwad oogayaasha ay Maxkamada ka sheegeen inay hayaan cadeymo muujinaya sedexdaan eedeysane inay iyaga ka danbeeyeen dilkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *