Dowladda federalka iyo Mucaaradka oo la filayo inay wadahadal yeshaan, kadib cadaadis caalami ah

Muqdisho: Sida ay sheegayaan wararka la helayo, Beesha Caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay iyo Dowladda Mareykanka, ay si rasmi ah ugu biireen dadaallada lagu xalinayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Mucaaradka.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho ayaa la sheegay inay hoggaaminayaan dedaalladan cusub.

Ujeeddadooda ugu weyn ayaa ah in dhinacyada la isu keeno, laguna qanciyo inay dib ugu laabtaan miiska wadahadalka, si looga heshiiyo arrimaha muranka badan dhaliyay sida doorashooyinka iyo dib u eegista Dastuurka.

Xalay, xubnaha Madasha Mucaaradka ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kaga arrinsadeen dalabka iyo fariimaha ka yimid Qaramada Midoobay iyo Mareykanka.

Dhanka kale, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inay soo dhaweysay fariimaha iyo baaqyada ka imaanaya beesha caalamka, taas oo muujineysa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud diyaar u yahay in dib loogu laabto miiska wadahadalka haddii la helo hannaan dhaxal gal ah oo lagu gaari karo is-afgarad.

Xogaha la helayo waxay tilmaamayaan in ay jirto suuragalnimo weyn oo ah in dhowaan la qabto kulan fool ka fool ah oo u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyeyaasha Madasha Mucaaradka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *