Dowladda Fedaraalka oo baaq deg deg ah kasoo saartay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Hiiraan

MATABAAN – Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa maanta si degdeg ah ugu baaqay in la joojiyo dagaal beeleed ka qarxay deegaanada Miirdacay ee hoos taga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa si gaar ah ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee colaadoodu ka soo cusboonaatay deegaankaas – kuwaas oo kasoo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud – in ay ku dhammeeyaan khilaafaadkooda si nabad ah, loona ilaaliyo walaaltinimada iyo wadajirka bulshada.

“Anigoo ka duulaya muhiimadda ay nabaddu u leedahay bulshada, waxaan baaq nabadeed u dirayaa beelaha walaalaha ah ee saaka ay shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka Miirdacay. Waxaan si naxariis leh uga codsanayaa odayaasha dhaqanka, culimada, dhalinyarada iyo waxgaradka labada dhinac in ay u istaagaan xasilinta xaaladda. Waa in si degan oo xilkasnimo leh laysku xakameeyaa, waayo dagaal wiil baa ku dhinta, wiilna kuma dhasho,” ayuu yiri Wasiir Daahir Shire.

Dhanka kale, Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale warsaxafadeed rasmi ah ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda ka taagan deegaannada Miirdacay iyo Dawa Caleey, oo labaduba hoos taga degmada Matabaan.

“Walaalayaal, waxaa idinka dhaxeeya wax aysan biri gooyn karin, biyana meyrin karin. Maanta hal dagaal ayaa inoo furan, waana la dagaalanka Khawaarijta. Dagaal qabiil janno ma leh, horumarna ma leh. Waa in la helo jidka dhab-u-heshiisiinta, lagana guuro dhaqanka colaadaha,” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka maamulka gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, maamulka ayaa faray ciidamada qalabka sida in ay si degdeg ah ugu baxaan goobaha ay beeluhu isku horfadhiyaan, si ay u kala dhexgalaan dhinacyada isla markaana loo sugo nabad waarta oo sal adag ku dhisan.

“Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, isagoo ka duulaya muhiimadda ay leedahay joojinta dhiigga deriska Soomaaliyeed, wuxuu ku hawlan yahay dadaalladii ugu dambeeyay ee lagu dhali lahaa xabbad joojin. Ciidamada qalabka sida ayaa loo faray inay qaboojiyaan colaadda, lana abuuro jawi wadahadal ah oo lagu dhameeyo khilaafka,” ayaa lagu yiri qoraalka maamulka.

Baaqyadan isdaba joogga ah ayaa kusoo aadaya kadib markii saakay aroortii laba ruux oo xoolo dhaqato ah oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan lagu dilay deegaanka Miirdacay, taasoo sababtay in dagaal culus uu halkaas ka qarxo.

Wasiirka iyo maamulka gobolka ayaa si wadajir ah ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay joojiyaan dagaalka, una jeestaan wadahadal iyo nabad raadinta si looga hortago dhiig kale oo daata iyo burbur hor leh oo ku yimaada bulshada deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *