Dil Qisaas ah oo lagu fuliyay nin hore ganacsade ugu dilay Gaalkacyo

Boosaaso: Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta ku fulisay dil toogasho Deeq Cabdul Cawil oo 15 Febraayo 2024 magaalada Gaalkacyo ku dilay ganacsade Axmed Tahliil Xaaji Aadan.

Qisaasta oo ay fushadeen dadkii xaqa u lahaa ayaa ka dhacday duleedka magaalada Boosaaso, waxaana goobjoog ahaa guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ciidanka qalabka sida ee 5-ta gobal, taliyaha qaybta booliska gobalka Bari iyo hoggaanka CID gobalka.

Taliyaha qaybta booliska gobalka Bari Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa soo jeediyay in qofkii qof dila loo qiraaso, si ay xal ugu noqoto aanooyinka qabiilka.

Magaalada Gaalkacyo dhinaceeda waqooyi ee Puntland, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa kusoo badanayay dilalka salka ku haya aargoosiga aanooyinka qabiilka.

3 thoughts on “Dil Qisaas ah oo lagu fuliyay nin hore ganacsade ugu dilay Gaalkacyo

  1. Yo, anyone playing on winvn666? I’ve been having some decent luck lately. The games are pretty fun and the site’s been smooth. Sharing the love in case others wanna try their hand here winvn666. Good luck!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *