Deni oo ka jawaabay in ciidamo Federaalka ka amar qaata ku sugan yihiin Puntland

Garoowe: Madaxweynaha Puntland Siciid Cabullaahi Deni oo maalmo ka hor wareysi gaar ah bixiyay ayaa ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo ahaa in ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay ku sugan yihiin Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ciidamo kasta oo Puntland jooga ay yihiin ciidan reer Puntland ah, kalsoonina ay ku qabaan oo aysan jirin cabsi ay ka qabaan.

“Anaga [Puntland] ciidan dowlad federaal oo meel uu jooga aan ognahay ma jirto, sidoo kalena waxaan rajaynayaa ciidamo kasta oo Puntland jooga, waa ciidan reer Puntland oo mar walba kalsooni baan ku qabnaa, cabsina kama qabno” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Ciidamada Kumaandoos Danab ee hoggaamiye Gen. Jamcaale iyo ciidamada PSF ee ka amar qaata Gen. Maxamuud Diyaano oo aysan xiriir wanaagsan la ahayn Madaxweyne Deni ayaa in dhawaale gacan-saar lahaa Dowladda Federaalka, waxaana bilihii la soo dhaafay ay mushaaraad ka heleen dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *