DEG DEG: Gudiga Doorashooyinka oo shaaciyay tirada dadka isku diiwaan geliyay dalka ee doorasho qof iyo cod

Saraakiisha gudiga Doorashooyinka madaxa banaan ee Dowlada Faderaalka Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho goor dhow ayaa shaaciyay tirada dadka Degmooyinka Gobolka Banaadir ee Muqdisho kuwaasoo isu diiwaan geliyay doorashooyinka qofiyo cod.

Isu geyn tirada  guud ee Magaalada Muqdisho dada is diiwaan geliyay ayay Dowladu ku sheegtay 923,220 qof sida uu shaaciyay  masuul ka tirsan Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Dadka ugu badan waxay iska diiwaan geliyeen 4 Degmo oo kala ah Hodan ,Yaaqshiid,Dayniile iyo Kaaraan waxaana ay kor u dhaafeen Degmo kasta boqol kun ruux ,sidoo kale waxaa iyagana dadkii ugu badnaa iska diiwaan geliyeen Degmooyinka Howl-wadaag,Dharkeenleey iyo Wada-jir.

Degmada Hodan waxaa iska diiwaan geliyay 127 kun ruux Sidoo kale Degmada Yaaqshiid oo ku xigta waxaa iska diiwaan geliyay 114 kun ,Dayniile oo 3-aad ku jirta waxaa iska diiwaan geliyay 111 kun halka Kaaraan ay iska diiwaan geliyeen 109 kun ruux, sidaas waxay ku noqonayaan 4-ta  ee dadka ugu badan ay iska diiwaan geliyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *