Dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta oo Yemen ka bilaabanaya

Wararka naga soo gaaraya dalka Yemen ayaa xaqiijinaya in uu ka socdo abaabul dagaal ballaaran oo ay hormuud ka tahay dowladda Mareykanka, kaasi oo lagu doonayo in meesha looga saaro awoodda iyo jiritaanka kooxda Xuutiyiinta ee gacanta ku haysa qeybo badan oo ka tirsan dalkaasi.

Dowladda Mareykanka oo ay garab taagan yihiin xulafadeeda Carbeed ee taageera dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen, ayaa haatan bilowday qorshe dagaal oo dhab ah oo lagula beegsanayo kooxda Xuutiyiinta. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in dowladda Yemen ee fadhigeedu yahay magaalada Cadan ay diyaarisay illaa 80,000 oo askari oo la filayo in ay ka qeyb qaataan duullaanka cusub ee lagu qaadayo magaalooyinka istiraatiijiga ah ee ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta.

Mareykanka ayaa ballanqaaday inuu taageero buuxda siiyo ciidamada dowladda Yemen, taas oo isugu jirta tababar, sahay ciidan iyo taageero dhinaca hawada ah. Inkasta oo Mareykanka iyo xulafadiisu horey u fuliyeen duqeymo cirka ah oo ka dhan ah saldhigyada Xuutiyiinta, haddana weeraradaasi ma yeelan saameyn muuqata oo lagu wiiqay awoodda kooxdaasi ay taageerto dowladda Iran.

Dhinaca kale, warar laga helayo ilo diblomaasiyadeed ayaa tilmaamaya in dowladda Sacuudiga ay ka gaabsatay ka qeybgalka dagaalka la qorsheynayo in lagu qaado magaalada dekedda leh ee Xudeydah. Sacuudiga ayaa la sheegay inuu si cad u diiday inuu qayb ka noqdo howlgalka milatari ee cusub, isagoo muujiyay in aanu qeyb ka noqon doonin duullaankaasi.

Xaaladda Yemen ayaa mar kale u muuqata mid gashay marxalad dagaal oo hor leh, xilli shacabka rayidka ah ay horeyba u wajahayeen dhibaatooyin bani’aadanimo oo aad u ba’an.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *