Ciidamo ka tirsan Galmudug oo u goostay al-Shabab

DHUUSAMAREEB: Wararka ka imaanaya Magaalada Shuusa-mareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in qaar ka  mid ah ciidamo dhawaan uu tababar u soo xirey Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ay u baxsadeen dhanka Alshabaab.

Ciidamadaan oo tiradooda lagu sheegay 7 askari ayaa u baxsaday oo gaaray deegaanka Ceel-garas ee Gobolka Gal-gaduud halkaasi oo ay heystan Kooxda Alshabaab islamarkaana ay ku biireen,wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadaani goostay ay mudo 6 bilood ah ku sugnaayen Dhuusa-mareeb.

Walaaco cabsi dhanka amniga ah ayaa soo wajahday masuuliyiinta Hay’adaha amniga Maamul Goboleedka Galmudug madaama askar hada tababar loo soo xirey ay si sahlan ugu goosteen kuna biireen kooxda Alshabaab.

Askartaan goosatay waxaa la soo sheegayaa inay ka baxeen Magaalada Dhuusa-mareeb markii todobadooda is fahmeen, lamana garanayo inay hore ugu qorsheysneyd ka hor tababarka iyo inay hada go’aansadeen.

Dhanka kale Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Galmudug wali war rasmi ah kama soo saarin wararkaani sheegaya in ilaa 7 askari oo dhawaan uun tababar loo soo xirey inay u goosteen Alshabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *