Ciidamada dowlada oo afar dagaalyahan oo Al-Shabab ah dilay

Sida ay sheegtay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo sheegtay in ay afar dagaalyahan oo Al-Shabab ah ku dishay qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa weerar culus ku qaaday magaalada Camaara ee gobolka Mudug howlgalkaasi oo ay ku dileen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday guri uu Camaara ka deganaa sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo magaciisa lagu sheegy Ismaaciil Beerdile, kaas oo kooxda ugu magacaawnaa Maxkamadda Galgaduud.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan haatan laga dareemayaa aagga deegaanka Camaara ee koonfurta gobolka Mudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *