Ciidanka xooga dalka oo burburiyay fariisimo Al-shabaab ku lahayeen deegaano ka tirsan Bakool
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano dhowr ah oo ku yaala bariga magaalada Xuddur ee gobolka Bakool. Howlgalkaan ayey ciidamadu ka fuliyeen deegaanada kala ah Doonfuul, Abagbeeday, Dudumaale, Buulo-Kojoor iyo Garas oo ah dhamaantood deegaano hoostaga Bariga degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Abaanduulaha guutada…