Soomaaliya iyo UK oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Horumarinta ee Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska u qaabbilsan Soomaaliya, Mudane Chris Pycroft. Kulankan oo ku qotomay xoojinta wada shaqaynta horumarka, ayaa lagu lafaguray hirgelinta Qorshaha Isbadelka Qaranka (NTP 2025-2029), oo si rasmi ah loo daahfuri…