Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in Xiriirka kala Dhaxeeya Imaaraadka uu Wanaagsanyahay

Wasiiro dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Balcad oo u waramayay Warbaahinta Qaranka ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Mudane Cali Balcad ayaa tilmaamay in xiriirka hadda ee labada dal uu yahay mid wanaagsan, islamarkaana labada dowladood uu ka dhaxeeya iskaashi dhan…

Read More

Madaxweynaha JFS oo la guddoonsiiyay Cilmi-baaris ku aadan horumarinta caasimadda

Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi-baarista Hiddaha iyo dhaqanka Gobolka Banaadir Mudane Cabdullaahi Sheekh Nuur (Khadar) ayaa guddoonsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud seddex cilmi-baaris oo ka mid ah wax soo saarka aqooneed ee hay’adda Cilmi-baarista Hiddaha iyo Dhaqanka gobolka Banaadir. Mid ka mid ah buugaagta ayaa si wanaagsan u faah faahinaya dhibka maandooriyuhu uu…

Read More

Horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo lagu dilay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Baladul amiin oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afgooye ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab. Horjoogaha howlgalka qorsheysan lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Daa’uud Maxamed Maleele, kaasoo kooxda u qaabilsana waxay ugu yeeraan…

Read More

Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho maanta ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 139-xildhibaan, Laba Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Faderalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa Golaha Shacabka uga naqay ansixinta Hindise Sharciyeedka…

Read More

 Madaxweyne Cirro oo kulan wada-tashi ah la qaatay madaxdii hore ee Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa galabta kulan isugu yeedhay Madaxweynayaashii 3aad iyo 5aad ee Somaliland, si uu ugala tashado xaaladda guud ee Somaliland. Madaxweynaha ayaa, sida uu ku sheegay boggiisa Facebook, kulan afur ah la qaatay Madaxweynayaashii hore, Muuse Biixi Cabdi iyo Daahir Rayaale Kaahin, si uu ugala tashado arrimaha muhiimka ah ee…

Read More

Dowlada Federaalka ah iyo Hay’adda UNOPS oo heshiis muhiim ah kala saxiixday

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta DFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Madaxa Hay’adda UNOPS ee Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku saabsan daraasadda iyo naqshaqeynta kaabayaasha dhaqaalaha magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb oo qeyb ka ah Mashruuca Nagaad ee Wasaaradda. Haayadda UNOPS ayaa howshaan kusoo dhammeystiri doonto muddo 10 bilood ah…

Read More

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan afur ah la qaatay Culimada Soomaaliyeed

Dr Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan afur ah ugu sameeyay culimada Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay muhiimadda isku xirnaanta culimada, shacabka iyo dowladda oo laf-dhabar u ah qarannimada Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta dalka,…

Read More

NISA oo Burburisay Buundo Macmal ah oo Al-shabaab Adeegsan Jireen

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamka ayaa burburiyay Buundo macmal aheyd oo ay adeegsan jireen kooxda Al-shabaab oo ku taala gobolka Shabeellaha Dhexe. Buundadaaan macmalka aheyd ee la burburiyay ayaa kooxda Al-shabaab kasoo gudbin jirtay gaadiidka iyo dagaalamayaasheeda, buundadan ayaa ku tiilay deegaanka Aw-baalle ee Gobolka Shabeelada Dhexe ee…

Read More

Trump oo Raba inu ka qaado cunaqabateynta Ruushka

Maamulka Trump ayaa qorshaynaya inuu meesha ka saaro cunaqabateynadii uu Mareykanku horay u saaray dalka Ruushka sida laga soo xigtay saraakiil ka ag dhow aqalka cad. Shabakadda Bloomberg oosoo xigatay ilo xog ogaal ah ayaa sheegtay in la-taliyayaasha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay dejinayaan qorsheyaal lagu qaadayo ama wax looga beddelayo cunaqabateynta Ruushka saaran haddii…

Read More