Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha oo kulan la qaatay danjiraha Shiinaha
Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa galabta kulan rasmi ah kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Fei Shengchao, xarunta Safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa xoogga lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada dal ee dhinacyada dhalinyarada iyo ciyaaraha, iyadoo la isla…