Wasiirka Amniga Gudaha oo Nairobi kulan muhiim ah kula qaatay wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Kenya

Nairobi – Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kula yeeshay kulan muhiim ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Kenya, Mudane Onesimus Kipchumba Murkomen. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo nabadgelyada, iyadoo la iska xogwaraystay xaaladda…

Read More

Hantidhowraha Guud ee qaranka oo ka qeybgalay shir lagu qabtay magaalada Madrid

Madrid – Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abukaate Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qeybgalay shir heer caalami ah oo lagu qabtay magaalada Madrid ee dalka Spain, kaas oo loogu magac daray “Hindisaha Xirfadda Hal-abuurka Sare” (Mastery Initiative). Kulankan oo socday muddo laba toddobaad ah ayaa waxaa si wadajir ah u martigeliyay Xafiiska Hantidhowrka Guud…

Read More

War-Murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha la-dagaalanka al-Shabaab oo Muqdisho ka socday

Muqdisho – War-murtiyeed rasmi ah ayaa laga soo saaray Shirweynaha ballaaran ee la-dagaalanka Khawaarijta, kaas oo muddooyinkii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 700 oo ergay, kuwaas oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, una matalayay ururrada bulshada, culimada, haweenka, dhallinyarada,…

Read More

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ku bogaadiyay Ciidamada xoogga guulaha ay ka gaareen dagaalka al-Shabaab

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa si weyn ugu ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed guusha weyn ee ay ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta, kadib howlgal qorsheysan oo ka dhacay Tuulada Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay. Wasiir Jibriil ayaa sheegay…

Read More

Nairobi, Kenya – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Mustafa Dhuxulow, oo uu wehliyay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Socdaalka Kenya, Marwo Evelyn Cheluget, iyo Xoghayaha Wasaaradda Amniga Gudaha Kenya, Mudane Thomas Saka.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa lagu lafaguray xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada adeegyada socdaalka, fududeynta helitaanka fiisooyinka, iyo amniga xuduudaha. Agaasime Mustafa Dhuxulow ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Kenya soo dhaweynta diirran, wuxuuna carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la sii xoojiyo wadashaqeynta labada dhinac, si loo dardargeliyo adeegyada…

Read More

Dowlada Somalia oo ka Qeybgashay Shirka Wasiirada Carabta

Qaahira, Masar – Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa ka qayb galay kalfadhiga 4-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee mas’uulka ka ah saadaasha hawada iyo cimilada, kaas oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira. Shirkan heerka sare ah ayaa diiradda lagu saaray sidii…

Read More

Maamulka Gobolka Gedo oo Guddiga Doorashooyinka uga digay inay Doorasho ka qabtaan Gobolkaasi

Maxamed Xuseen Qaadi, guddoomiyaha dowlad goboleedka Jubaland ee looga magacaabay Gobolka Gedo, ayaa uga digay Guddiga Doorashooyinka inaysan qaadi karin wax dhaqdhaqaaqyo la xiriira doorashooyin, wuxuuna ku taliyay in tallaabo kasta oo lagu qabto doorasho aan loo sameyn ilaa laga helin ogolaanshaha wadajirka ah ee u dhexeeya Dowlad Goboleedka Jubaland iyo Dowladda Dhexe. “Guud ahaan…

Read More

Somaliland oo Dowladda Soomaaliya ugu baaqday in maxaabiistii ay ka qaaday Laascaanood ku wareejiso ICRC

Hargeysa, Somaliland – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga falcelisay tallaabadii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho ugu qaaday 25 maxbuus oo ka tirsanaa maxaabiistii Somaliland kaga xirnaa magaalada Laascaanood, waxayna arrintaas ku tilmaantay “afduub sharci-darro ah” oo baalmarsan xeerarka caalamiga ah ee quseeya arrimaha maxaabiista. Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Caddaaladda Somaliland ayaa…

Read More

Dagaal xooggan oo maanta gobolka Sanaag ku dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo

Daanweyne, Sanaag – Dagaal culus oo muddo saacado ah socday ayaa maanta ka dhacay deegaanka Daanweyne ee gobolka Sanaag, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka SSC-Khaatumo. Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin tirada khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, balse wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya inuu sababay dhimasho iyo dhaawac. Warsaxaafadeed rasmi…

Read More