Ahmed Hussen is only Somali MP re-elected in Canadian Parliament

Toronto — Ahmed Hussen has secured a fourth consecutive term as Member of Parliament for York South–Weston, retaining his seat in Monday’s federal election and continuing as the sole Somali-Canadian representative in Canada’s House of Commons. Running as the Liberal Party incumbent, Hussen overcame multiple challengers to maintain the Toronto-area riding he has represented since…

Read More

Wasiir dowlaha Arrimaha Guddaha oo shir-guddoomiyay shirka Guddi Howleedka Xiriirka Arrimaha Xasilinta

Muqdisho – Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saadaad Aliyo, ayaa maanta guddoomiyay shirkii joogtada ahaa ee Guddiga Howlaha Farsamada ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta, kaasi oo ka dhacay xarunta Wasaaradda. Kulanka oo ay martigelisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka digtay Faafinta Been Abuurka iyo Dacaayadaha Khawaarijta

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay warar been abuur ah oo si baahsan loogu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo lagu sheegayey in weerarro hoobiyayaal ah oo dhowaan ka dhacay Muqdisho lagu bartilmaameedsaday xarunta Xalane iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada. Wararkaasi ayaa lagu tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla…

Read More

Shirka Arrimaha Maareynta Khataraha Musiibooyinka oo ka furmay Ruwanda

Kigali, Rwanda – Waxaa magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda si rasmi ah uga furmay kalfadhigii 15-aad ee shirweynaha sanadlaha ah ee hay’adda African Risk Capacity (ARC), hay’ad u qaabilsan qaaradda Afrika ka hortagga iyo maaraynta khataraha musiibooyinka dabiiciga ah. Shirkan oo ay isugu yimaadeen dalalka xubnaha ka ah hay’adda ARC, ayaa qaybtiisa farsamo si…

Read More

Ciidan ka tirsan Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray Jabuuti

Jabuuti – Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeyo Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad si rasmi ah loogu soo xirayey tababar ay qaateen cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed, oo lagu qabtay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa wasiirro iyo diblomaasiyiin…

Read More

Golaha shacabka oo warbixin ka dhagaystay guddiga maaliyadda ee golaha

Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka sagaalaad ee kalfadhiga lixaad, kaasoo ka qabsoomay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho. Kulanka oo uu kooramkiisu buuxsanaa ayadoo ay soo xaadireen 163 xildhibaan, ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo la…

Read More

Wasaaradda cadaaladda oo bogaadisay maxaabiista ay isdhaafsadeen Puntland iyo Somaliland

Muqdisho, Soomaaliya – Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhawaysay isdhaafsiga maxaabiista ee dhawaan dhexmaray maamulada Somaliland, SSC-Khaatumo iyo Puntland. Tallaabadan ayaa timid ka dib dadaallo iyo dhexdhexaadin uu hormuud ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, taasoo salka ku haysay socdaalkiisii taariikhiga ahaa ee uu ku…

Read More

Xuska maalinta caalamiga ah ee Tallaalka oo Muqdisho lagu qabtay 

Muqdisho – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryama Maxamed Xuseen, ayaa maanta ka qeyb gashay munaasabadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee Tallaalka oo si weyn loogu qabtay magaalada Muqdisho. Munaasabaddan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasime waaxeedyo iyo madax qeybeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, xubno kale…

Read More

Wafdi ka socda wasaaradda ganacsiga oo shir uga qaybgalaya Shiinaha

Haikou – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate), ayaa maanta ka qeyb-galay Meertada 11-aad ee Shirweynaha Iskaashiga Ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Wadamada Carabta, oo si rasmi ah uga furmay magaalada Haikou, caasimadda gobolka Hainan ee Jamhuuriyadda Shiinaha. Shirweynahan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray…

Read More

Wasiirka Dekadaha oo qaabilay danjiraha Turkiga

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş. Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada horumarinta dekedaha, dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadista adeegyada gaadiidka badda, si loo taageero…

Read More